KU SOO DHAWOOW SAFKA TALAALKA EE DADKA KA WEYN 18 SANNO

gasho safka talaalka - Klikk for stort bilde Si loo ogaado dadka degan degmada Horten ee raba talaalka, waxannu kuu soo jeedinaynaa inaad gasho safka talaalka. Waxa kale oo aannu rabnaa inaad is diiwaangeliso haddii aanad rabin talaalka. 

TAABO CINWAANKA SI AAD ISU DIIWAANGELISO 

Xilliga aad talaalka helayso waxa lagu go’aaminaya shuruudaha kala mudnaansiinta ee Machadaka Caafimaadka Dadweynaha 

Waxaad heli doontaa balan marka la gaadho markaaga. 

MACLUUMAAD YAR OO KU SAABSAN SAFKA TALAALKA 

  • Haddii aad ku jawaabto inaad rabin talaalka, laakiin aad ka noqonayso, waxa weli kuu banaan inaad is qortid oo gashid safka. Markasta diiwaangelinta u dambaysa ayaa jiraysa. 
  • Waxaad ku geli kartaa BankID  si aad isu diiwaangeliso, ama qof kale ayaad caawin kartaa. 
  • Haddii aad qof ka caawinayso is qorida safka talaalka waxaad isticmaalaysaa BankID adigu aad leedahay, ma isticmaalaysid ka qofka raba inuu galo safka. 

Gelitaanka safka talaalku wuxu fududaynayaa hawsha qaybinta balamaha la siinayo dadka degan Horten. 

Waad mahadsantahay! 

Kontakt

  • Horten Kommune
    Postboks 10,
    3191 HORTEN
  • Besøk
    Teatergata 11
    3187 HORTEN
  • Telefon
    33 08 50 00
  • E-post
    postmottak@horten.kommune.no
  • Åpningstider
    Hverdager: 08-15.00
  • Organisasjonsnummer
    964 951 284